Saturday, June 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay dhisidda Madasha Qaran ee Wada-tashiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 22, 2015
in Wararka
0
Nicholas Kay:Dhalinyaradu Waxa Ay La Imaan Karaan Tamar Iyo Firfircooni Cusb .
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Kay ayaa soo dhaweeyay shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee lagu dhisay madasha wada-tashiga Qaran.

Wuxuu sheegay ergaygu in Qaramada Midoobay ay taageereyso madashan, ayadoo la shaqeyneysa dowladda Federaalka ah “Qaramada Midoobay waxay taageeri doontaa hannaankaan wada-tashi, ayadoo la shaqeyneysa dowladda federaalka ah iyo dhinacyada kale ee ka shaqeynaya” ayuu yiri Danjire Kay.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 28, 2025
Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee gobolka Shabeellaha dhexe

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Shabeellaha dhexe

June 28, 2025

Sidoo kale wuxuu ergaygu tilmaamay in loo baahan yahay in talada laga qeyb galiyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan qurbo-joogto.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay soo gabagabeysay shir looga hadlayay sida waddanka looga qaban karo doorasho sanadka 2016-ka, kaas oo ay ka qeyb galeen baarlamaanka, xukuumadda, maamullada gobollada iyo wakiilo ka socday beesha caalamka. Shirkaas waxaa lagu dhisay Madal Wadatashi oo ay dowladdu hoggaaminayso, taas oo ka shaqeyn doonta sidii loo heli lahaa dowladda cusub sanadka 2016-ka.

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka maanta

Next Post

Kaalinta bulshadu ku yeelan karaan ammaanka oo laga hadlay-SAWIRRO

Next Post
Kaalinta bulshadu ku yeelan karaan ammaanka oo laga hadlay-SAWIRRO

Kaalinta bulshadu ku yeelan karaan ammaanka oo laga hadlay-SAWIRRO

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 28-ka Juun, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda...

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee gobolka Shabeellaha dhexe

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Shabeellaha dhexe

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, (Gen Khaalid) ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu...

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

June 26, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo sii wada howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee saacadihii...

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

June 26, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In