Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa ku wehlinayay Tukashada Salaada Ciida oo uu bulshada kula tukaday Masaajidka isbahaysiga Islaamka gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,Ra,iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Wasiiro Xildhibaano Saraakiisha ciidanka qalabka sida iyo mas,uuliyiin kale .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaada ka dib waxaa uu hadal u jeediyay bulshada Soomaaliyeed waxaana uu madaxweynuhu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in bulshadu is cafiyaan iyadoo laga faa’iideysanayo munaasabada ciida .
Iyadoo Dalku uu ka soo kabanayo dhibaato uu mudo dheer dhex maquuranayay rajada ummadda Soomaaliyeed ay ka qabaan in aduunayada ay wax la qaybsadaana ay tahay mid aad u sareysa dalkeenu waxaa uu ka mid yahay wadamada ay maciinka bideen dadka walaaha reer Yemen oo dalkooda colaadu ka jirto Madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed ayaa bulshada ugu baaqay in taageero dhan walba ah loo muujiyo dadkaas Yemeniyiinta ah.
Qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada Qaranka ee salaada ku tukaday Masaajidka isbaheysiga ayaa dhankooda waxaa ay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada Soomaaliyeed iyagoo u rajeeyay in farxad ay sanadkaan kiisa kale ku gaaraan.
Sawir Qaade Farxaan Suleymaan Daahir