Iyadoo maanta ay tahay maalintii labaad ee munaasabada Ciidul Al-Adxa ayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Norrkoping ee dalka Sweden isugu soo baxeen goobaha loo iclaamiyay in lagu tukanayo salaada ciida waxaana ka soo qeyb galay xildhibaanka magaalada ee matala Soomaalida, culumaa’udiin iyo dadweyne kale oo fara badan.
Waxa ay dadweynihii ciida u dabaaldegaye ay salaan u direen Maddaxda qaranka oo ugu horeeyo Maddexweyne Xasan Sheikh Maxamuud, Gudoomiyaha goloha shacabka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo labada golo ee dowladda iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyaga oona u rajeye in ay ku ciidaan nabad iyo bash bash waxa ayna ilaah ka baryeen in uu dalkooda u nabadeeyo kana qabto cadawga la damacsan dhagarta shacabka.
Jaaliyada ayaa sheegtay in ay muhiim tahay midnimada shacabka Soomaliyeed iyagoona ku booriyey dadka ku nool qurbaha in ay kaalmeeyaan shacabka ku nool gudaha wadanka oo aan haysan tasiilaadka nolosha.
Ugu danbeyn waxaa magaalada aad looga dareemayaa maanta Munaasabada ciida iyadoona ay Jaaliyada ka mid ahaayeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dabaal degaye daafaha caalamka.
Omar Abdirizak
Norrkoping, E, Sweden.