Boqolaal qoxooti Yemaniyiin ah oo ku nool xero looga dhisay magaalada Qardho ayaa waxaa deeq ari ah u qaybiyey urur samfal oo fadhigiisu yahay Woqooyiga Ameerika oo magaciisa loosoo gaabiyo SRNNA, iyadoo boqolkaas neef ee ariga ah isla goobta lagu gowracay, kadibna waxaa hilib ahaan loogu qaybiyey qaxootiga xilli lagu guda jiro maalmaha ciidul adxa.
Qoysaskan ayaa tiradoodu ahayd 300 waxaana loo qeybiyay 100 neef oo ari h, waxaana loogu tala galay farxadda ciidul adxaa.
Qaar ka mid ah qaxootiga ayaa ka mahadceliyey deeqdaas la gaarsiiyey, iyagoo bulshada inteeda kale ka codsaday inay kaalmo tan la mid ah la soo gaaraan.
Cabdi Xasan Awoowe