Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ganaax dul dhigay ganacsato lagu helay dambiyo la xiriira dhanka nadaafadda caasimadda, kaddib markii lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen dadka nadaafadda darrida abuuraya.
Ganacsatadani ganaaxa lagu fuliyay oo gaaraya ku dhawaad lix dukaan oo ku xad gudbay bilicda wadda isku xirta Ex-kontorl Afgooye iyo isgoyska No 4, ilaa wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho aya qashin soo dhigay wadooyinkaasi aan kor kusoo xusnay, iyadoo Maamulka Dowlada Hoose ee Xamar uu ugu danbeyn ku fliyay ganaax kala Duwan,
Sidoo kale dadka ganaaxa lagu fuliyay waxaa kamid ahaa qaar kamid ah Milkiilayaasha gawaarida gaar ahaan kuwa lagu dhaqo hareera wadooyinka oo ka qeyb qaata nadaafad darida wadooyinka dib loo hagaajiyay,
Afhayeenka Maamulka gobalka Banaadir Cabdifitax Cumar Xalane oo warbaahinta kula hadlay wadada Maka Al Mukarama ayaa sheegay in digniin horey loogu jeediyay ganacsatada iyo bulshada, isla markaana ay iminka go’aansadeen in ganax adag laga qaado dadkii qashinka ku soo shubay waddada Maka Al-mukarama oo u dhexeysa 100,000 boqol kun oo shilin Soomaali ah ilaa iyo shan boqol oo kun.
Sidoo kale Agaasimaha Nadaafada ee Dowlada Hoose ee Xamar Cabdicaziis Goodax Barre waxa uu sheegay in cidkasto oo ku xadgudubta bilicda magaalada ay la kulmi doonto Ganaax adag, isagoo markale ka digay in qashinka lagu soo shubo waddooyinka caasimadda.
Taliye-ku-xigeenka ciidanka ilaalada deeganka Xamar Axmed Xuseen Mahdi ayaa sheegay in ciidanka ilaalada deeganka Xamar ay markaste koormeeri doonan wadooyinka magaalada, isla markaana ganacsatadii ama shaqsiyaadkii lagu arka in uu nadaafad dari wado uu Taliska tallaaba ka qaadi doono.