Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorka Haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay booqashada uu dalka ku imaanayo Madaxweynaha Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda horumarinta dhallinyarada ee marka magaceeda loosoo gaabiyo SOYDEN ayaa diirada lagu saaray kor uqaadista doorka haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo hogaaminta, waxaana ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan Barlamanka Federaalkaa ah ee Soomaaliya, xubno ka socday Ururada Bulshada rayidka ah Ururka haweenka Qaranka iyo Aqoonyahanno kale.

Mas’uuliyiintii kulanka ka hadlay ayaa waxa ay muujiyeen sida ay muhiim u tahay in sare loo qaado doorka iyo xuuqda haweenka Soomaaliyeed ay ku dhax leeyihiin Siyaasadda, iyagoo bogaadiyay qaban qaabiyeyaasha kulanka.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Seynab Maxamed Xasan oo ah lataliyaha Hay’adda SOYDEN ee dhinaca kordhinta awooda haweenka ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay door wanaagsan ka qaaten soo kabashaa Dalka, isla markaana ay hadda diyaar u yihiin inay qeyb muuqata ku yeeshaan siyaasadda.

Xildhibaan Maryan Macalin Isxaaq iyo Xilhibaan Zahro Cabduqaadir oo labaduba ka tirsan Baarlamanka Federaalkaa ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay haweenka kula dar-daarmeen inay dadaal badan sameeyaan si ay door muhiim ah ugu yeeshaan Go’aanada siyaasadeed ee dalka.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa ay dadaal ugu jiraan inay siyaasadda iyo hogaaminta dalka ku yeeshaan door kabadan kan ay hada leeyihiin.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda degaano ka tirsan Mudug iyo Sool

Next Post

Howlaha ciidamada amniga ay ka wadaan caasimadda oo la bogaadiyay

Next Post
Howlgallo amniga lagu sugayo oo xalay laga sameeyay Degmada Hodan

Howlaha ciidamada amniga ay ka wadaan caasimadda oo la bogaadiyay

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In