Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ayaa mar kale wadahadal ugu baaqay Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.
Madaxweynaha Mamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa markii uu dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka galgaduud waxa uu Ururka Ahlusunna waljamaaca ugu baaqay inay qaataan wadahadal lagu Horumarinayo Deegaannada Galmudu uu ka taliyo.
โwaxaan rabaa inaan baaq Nabadeed u diro Ahlusunna waljamaacataas oo ah inay Ajiibaan Wadahadalka Dowladda iyo Maamulka Galmudug si horumar loo Gaaroโ Ayuu yiri Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho uu Madaxweynaha Galmudug uga qayb galay Shirkii Wadatashiga Heerka qaran oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.