Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada New York ee dalka Maraykanka ka furmaya shirweynaha golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (General Assembly) kaasi oo sanadkan noqonaya kii 70-aad ee golahaasi yeesho.
Shirweynahan ayey sanadkan ka soo qeyb galayaan in ka badan 100 Madaxweyne iyo hogaamiyayaasha dalalka Caalamka, wuxuuna shirkan kusoo beegmayaa xili xiisado badan ay ka jiraan caalamka oo dhan.
Qodobada ugu waaweyn ee shirkan looga hadlayo waxaa ย ka mid ah, arrimaha cimilada sii badalmeysa, dagaalada ka socda Bariga dhexe iyo xiisadaha ka jira Yurub ee la xariira Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horeysay shirkan ka soo qeyb galaya muddo 10 sano ah, isagoo kulamo gaar ah la yeelan doona hogaamiyayasha Maraykanka, Iran iyo qaar kale oo ka mid ah dalalka Yurub. Walow Putin la sheegay inuu isla beri uu dib ugu noqon doono dalkiisa.
Madaxda ย ka qeyb galaysa hirka oo khudbado ka jeedin doona golaha loo dhan yahay ayaa waxaa si gaar ah isha loogu hayaa khudbadaha Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin xili ay markale xiisad ka dhex taagan tahay dalalkaasi oo lagu tilmaamo kuwa ugu awooda badan caalamka dhanka meleteriga.i.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirkaasi ayaa la filayo inuuย khudbad ka jeediyo fadhiga golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay..
.