Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay isku soo bax lagu soo gaba-gabeynayay wareeggii u dambeeyay Olole Nadaafadeed oo Malmahaan ka socday Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Mamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu la xisaabtamidoono ciddii Magaalada dhaxdeeda qashin ku shubta, isagoo qofwaliba ugu baaqay inay ilaaliyaan Nadaafadda Caasimadda.
Dhanka kale Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa Aad ugu mahadceliyay Bulshada Soomaaliyeed ee iska xilsaartay Nadaafadda Magaaladooda, iyagoo qaadanaya Ammarrada maamulka Gobolka Banaadir oo ahaa Nadiifinta guud ahaan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Malmihii la soo dhaafay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka socday howllo lagu dar-dar galinayo Bilicda Caasimadda iyadoo shaqadaasna ay hayeen Rag iyo Dumar iska xilsaaray Quruxda Casimadda.