Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warshadda cabitaanada Soda King iyo shirkada cabitaanka Al-Irshaad ee Puntland oo maanta heshiis kala saxiixday “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Warshadda cabitaanada Soda King iyo shirkada cabitaanka Al-Irshaad ee Puntland oo maanta heshiis kala saxiixday “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta Warshada cabitaanada  Soda King iyo shirkadda cabitaanada  ee Al-irshaad ee fadhigeedu yahay Puntland ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee warshadda Soda King magaalada Muqdisho, ugu horeynta waxaa halkaas ka hadlay maamulaha warshada Soda King Ahmed Sh. Yusuf Guled isagoo sheegay in heshiiskani yahay mid muujinaya is dhax-galka iyo wada shaqeynta ganacsatada Soomaaliyeed, mas’uuliyiinta Al-Irshad waxay nooga yimaadeen goballo fog-fog si u xaqiijiyaan heshiiskan, waxaan ku rajo weynahay in uu noqon doono mid wax weyn u tari doona labada shirkadood iyo guud ahaan horumarka dalka.

Waxaa isna halkaas ka hadlay maamulaha shirkda Al-irshaad, Xirsi Cabdulqadir (Alle Macadaabe) kaas oo sheegay in sababaha ay Muqdisho ay u yimaadeen tahay in ay saxiixayaan heshiiskan, waa waajib in aa dhiiri gelino wax soo saarka dalkeena Soomaaliya,  labadii bilood ee la soo dhaafay ayaan cabitaanada Soda King iyo Aqua King ku iibinaynay magaalooyinka Puntland, waxaa aad u soo dhaweeyay kana helay shacabka ku dhaqan gobaladaas, waa cabitaan 100% ka tayo wanaagsan kan dibadda laga keeno, waxaan dooranay in aan joojino dhamaan cabitaanadii dibada aan ka keeni jirnay, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan noqono wakiilka Soda King ee Puntland.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Qodobadda heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah in shirkada Al-Irshaad ay gayn doonto gobalada Puntland 10,000 kartoon cabitaan ah bil kasta, iyadoo hal sano kadibna warshada Soda King ay Puntland ka furi doonto warshad labaad oo soo saari doonta cabitaanada Soda King iyo Aqua King, labada shirkadood ayaa hada sii bilaabay cilmibaarista warshada Soda King ee Puntland waxaana warshadaas wada lahaan doona ganacsatada labada dhinac.

Gabo-gabadii munaasibada ayaa waxaa Maamulaha Soda King Ahmed Guled gudoonsiiyay Maamulaha shirkada Al-Irshad shahaadada loo yaqaan “Authorized Distributor Certificate” ee Puntland

IMG_5281

IMG_5281

IMG_5282

IMG_5283

IMG_5284

IMG_5285

IMG_5286

IMG_5288

IMG_5289

IMG_5290

IMG_5292

IMG_5293

IMG_5297

IMG_5302

IMG_5304

IMG_5305

IMG_5308

IMG_5312

IMG_5314

IMG_5317

IMG_5321

photo

IMG_5326

Previous Post

Fanaaniintii Lagu Xiray Hargeysa Oo xabsiga laga sii daayay

Next Post

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo duqeyn ka geystay Siriya

Next Post
Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo duqeyn ka geystay Siriya

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo duqeyn ka geystay Siriya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In