Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda Hope oo qabatay xaflad Qalin jabin ah-Sawirro

caqiil by caqiil
October 4, 2015
in Wararka
0
Jaamacadda Hope oo qabatay xaflad Qalin jabin ah-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

70 arday oo 20 kamid ah ay gabdho yihiin ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho loogu qabtay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay kadib markii Jaamacadda Hope qeybteeda Muqdisho,waxayna ardaydan barteen Kuliyadaha kala ah Public health, Horumarinta iyo xiriirka Caalamiga ah.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare, Ambasodor Diinaari,maamulka sare ee Jamacadda,waalidiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Qaar kamid ah ardayda Jamacada ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan kale duwan oo ay ka qyebgaliyaasha xaflada ku madadaalinayeen.

Prof Najiib Sheekh C/kariim oo ah gudoomiyaha guud ee Jaamacadda Hope oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa ardayda waxaa uu ku booriyay in ay dalka horumar ku soo kordhiyaan ,isagoo sidoo kalena xusay in Jaamacadda Kuliyado cusub qorsheynayso.

Guddoomiye Najiib ayaa sheegay in sadex Kuliyadood oo kala ah Kuliyadda Sheybaarka, Umulisonimada ama midwifery iyo cilmiga caafimaadka carruurta ee Pediatric, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale qorshaha dhow uu yahay in shahaadada sare ee PhD ay dalka Keento Jaamacadda Hope.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in wasaaraddu meel geba gebo ah uu u marayo xeerka waxbarashada sare isla markaana la dhisay gudiga sare ee waxbarashada dalka.

Mudane Ismaaciil ayaa tilmaamay in xeerka sare ee waxbarashada dalka dhowaan la soo saari doono isla markaana loo soo bandhigi doono dhamaan Jaamacadaha dalka iyo umadda Soomaaliyeed si loo kala ogaado midda Jaamacad u qalanta iyo tan aan u qalmin.

Jaamacadda Hope faraceeda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay aheyd Jaamacadii ugu horeysay ee dalka keenta daraasada sare ee Master, waxayna Jaamacadu bixisaa dhowr Kuliyadood oo ay kamid yihiin Kuliyadda Caafimaadka guud ee Public Health,xiriirka Caalamiga ah iyo kuwo kale, iyadoo dufcaddii 8 aad oo Jaamacadda ka qaata shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda ay maanta ka qalin jabisay.

IMG_0215 IMG_0272 IMG_0272_1  IMG_0309 IMG_0317 IMG_0537 IMG_0552  IMG_0637 IMG_0657 IMG_0663 IMG_0669

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Faransiiska oo daadad ay dad ku dileen-Sawirro

Next Post
Faransiiska oo daadad ay dad ku dileen-Sawirro

Faransiiska oo daadad ay dad ku dileen-Sawirro

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In