Ugu yeraan 16 ruux ayaa ku geeriyootay dalka Faransiiska ka dib markii roobab dabeylo xoog leh wata ayaa ku dhuftay qeybo kamid ah dalkaasi.
Magaalo ku taala koonfur bari ee dalkaasi oo lagu magacaabo Antibes ayaa saameynta ugu badan ay ku yeesheen sida laga soo xigtay saraakiisha wadankaasi.
Madaxweynaha French President Francois Hollande ayaa ku dhawaaqay in dalka ay ku dhacday musiibo dabiici ah, waxaana uu amaanay kooxaha gurmadka deg dega ah isagoo ku baaqay in loo midoobo sidii loo caawin lahaa dadka ay dhibaatada saameysay.
Mr Hollande ayaa tacsi u direy ehelada dadka ku dhintay dhibaatadan waxaana uu booqday mid kamid ah goobaha dadka ay ku qabsatay musiibada, waxaana uu dadka goobahaasi ku sugan u sheegay in ay taxadir dheeraad ah sameeyaan.
Deegaanada sida aadka ah u sameeyeen ayaa waxaa kamid ah goobta lagu magacaabo Riviera, taas oo dhacda xeebta badda Mediterranean oo ku began xadda Talyaanigu uu la wadaago dalkaasi.
Webiga Brague oo mara goobaha roobabka lixaadka leh ay ka da’aan ayaa la sheegaya in karkaarada uu jabsaday isla markaana uu ku fatahay magaalooyinkii ka ag dhowaan, muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya jidadkii magaalada Cannes oo biyo ay ka buuxsameen.
Qof kamid ah dadka degna Magaalada Cannes oo lagu magacaabo Katya Higham ayaa BBC-da u sheegay ” waa arin naxdin leh . waxaan doonaynaa in aan banaanka aadno laakiin waxaa go’aansanay in aanan sidaa sameynin iyadoo roobka uu u da’ayo si caadi aheyd. Heerka biyaha si dhakhso leh ayay kor ugu kacayaan.”
Duqa magaalada Cannes Davis Lisnard ayaa dhankiisa yiri said: ” Qaar kamid ah gawaarida daadadka ayaa badda ku daray. Waxaan soo badbaadinay dad badan, waxaana u sheegaynaa in ay ka digtoonaadaan boob loo geysto hantidooda.”
Wadada ugu weyn oo gawaarida ay isticmaalaan ee deegaanka ayaa la xirey, tareenada waa la joojiyay iyadoo boqolaal kamid ah dadka dalxiisiyaasha ah si ku meel gaar ah loo dejiyay garoon diyaradeed oo ku yaala magaalada Nice oo kamid ah goobaha uu roobabka,ku dhowaad 27,000 oo guri oo deegaanka ku yaalo ayaa koronto la’aan ah.
Source: BBC