Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaalka Beladweyne oo dawo la’aan ay ka jirto iyo bulshada oo baaq loo diray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Odayaal dhaqameed xabad joojin kala dhex dhigay maleehiyaad ku dagaallamay Beladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye ku-xigeenka maaulka gobolka Hiiraan ee dhinaca arrimha bulshada Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo manta kormeeray isbitalka weyn ee magaalada Beledweyne oo mudooyinkaan dawo la’aan baahsan ay ka jirto ayaa waxaa uu soo maray qaybaha kala duwan ee bukaanada ku jira isbitaalka.

Agaasimaaha isbitaalka Axmed Maxamed Qaliif ayaa sharaxaad ka siiyay guddoomiyaha sida uu isbitaalka uu hada ku shaqeeyo iyo xaalada dawo la’aan ee ka jirta isbitaalka, waxaana uu sheegay in uu qarka u saran yahay in uu xirmo, haddii aan la helin gurmad dhanka daawada ah.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

“Isbitaalka waad u jeedaan qaybaha hada aan soo marnay, waxaa ka jirta dawo la’aan shaqaalaha ka shaqeeyo waa mushaar la’aan, haddii ay sidan ku sii socoto arrinta, waxaan qarka u saaranahay in isbitaalka albaabada la isugu dhufto dawo yari darteed” ayuu yiri Agaasimaaha isbitaalka Axmed Maxamed Qaliif

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ee dhinaca arrimaha bulshada Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sheegay in isbitaalka uu yahay kan kaliya ee ay isticmaalaan bulshada reer Hiiraan iyo deegaannada kale ee ku xeeran gobolka, waxaana uu baaq u diray hay’adaha samafalka iyo Wasaaradda caafimaadka in gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sidoo kale bulshada intooda wax heysata ka codsaday inay isku tashadaan  oo ay gacan ka geystaan sidii dawo loo gaarsiin lahaa isbitaalka magaalada Beladweyne oo ay iminka ka jirto dawo la’aan.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In