Friday, May 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku-xigeenka oo sheegay inay billaabaneyaan wada hadallada Dowladda iyo maamulka Somaliland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku-xigeenka oo qaabilay wafdi ka socday Switzerland “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhawaan dib u bilaabmayaan wadahadaladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaaliland.

Ra’iisulwasaare ku-xigaenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo wareysi siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wada hadaladaan lagu doonayo sidii markale midnimada Soomaaliya la isugu keeni lahaa, isla markaana walaalaha Maamulka Somaliland loogu qancin lahaa inay ka gudbaan gooni isutaaga

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Qodobada la rabo in lagu heshiiyo ayuu ku sheegay Raisulwasaare ku-xigaynka in ay mid yihiin ka wada qaybsiga mamulka maaliyada, wada shaqaynta maxkamadaha, fulinta sharuuc dalka loo dajiyey inuu ku dhaqmo iyo arrimo kale oo dani ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed.

“Run ahaantii wada hadalada dib ayay u bilaabmi doonaan, markii 60-ka la isku darsamay, waxa ay ahayd mid ku bilowday qaab wanaagsan, marka runtii waxa ay u baahantahay in wada hadalka uu noqdo mid markale la isu keeno Soomaali weyn, oo aysan noqon mid lagu kala tega” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Dowlada fedaraalka Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa in ay ku guulaysato ka mira dhalinta wada hadaladaan kala dhexeya Maamulka Somaliland, waxana xusid mudan in dhow jeer ay is hor fariisteen mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ah iyo kuwa Maamulka Somaliland, kuwaaasi oo qodobo dhowr ah ku heshiiyey

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka “Sawirro”

Next Post
Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka “Sawirro”

Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka "Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In