Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Kenya ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda dalkaasi kula kulmayย Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Sweden Ambassador Mikael Lindvall.
Kulanka ayaa looga hadlay hourmarinta Mashaariicda Dawladda Sweden kawado Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya , waxaana mashaariicdaasi kamid ah Waxbarashada Caafimaadka ,Hiigsiga Cusub iyo barnaamijyo kale oo horumarineed.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa Safiirka kala hadlay in Dawladda Sweden derder geliso mashaariicdaasi , si ay u muuqato kaalinta ay Dawladaasi ka qaadanayso horumarka baaxadda leh ee ka soconaya guud ahaan Puntland iyo Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Sweden Ambassador Mikael Lindvall ayaa isna dhankooda balanqaadayย in ay dadajiyaan hirgilinta mashaariicda ay ka wadaan Puntland oo uu ku tilmaamay inay gaartay horumar baaxad leh .
-DHAMMAAD-