Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta gaaray maalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Garoonka diyaaraha ee magaaladda Garowe ayaa wafdiga taliyaha booliiska waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasoo uu ka mid ah taliyaha booliiska ee maamulkaasi.
Taliyaha booliiska ee maamulka Puntland oo garoonka diyaaraha kula hadlay saxaafadda ayaa hadallo soo dhaweyn ah halkaasi ka jeediyay, isagoo tilmaamay in taliyaha iyo wafdigiisa ay soo kormeeri doonaan saldhigyada booliiska si ay ugu kuurgalaan xaaladda ciidanka iyo habka ay u shaqeeyaanba.
Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay Garowe ay qeyb ka tahay safarro uu ku kala bixinayo dhamaan maamul goboleedyada dalka ka jira, si uu u ogaado xaaladda ciidamada booliiska iyo duruufaha ay ku shaqeeyaanba.
“Waxaa sharaf weyn ii ah in muddo ka badan dhowr iyo soddon sano aan anigu qof ahaan ku soo laabto magaalada Garowe, anoo hore uga soo shaqeeyay degmada Eyl, si fiican ayaana naloogu soo dhaweeyay aniga iyo wafdigeeyga uu ka mid yahay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska” ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka tirsan ciidanka boliska, iyo kuwa AMISOM booliis, waxana la filayaa iney kormeer ku tagaan saldhigyada ciidanka booliiska, gaar ahaan dugsiga tababarka booliiska ee Carmo.