Wednesday, August 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Booliiska iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Garowe “Sawirro”

October 9, 2015
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Booliiska iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Garowe “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta gaaray maalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Garoonka diyaaraha ee magaaladda Garowe ayaa wafdiga taliyaha booliiska waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasoo uu ka mid ah taliyaha booliiska ee maamulkaasi.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

August 17, 2022
Xafiiska Xalka Waara oo kulan la qaatay ganacsatada Jubbaland

Xafiiska Xalka Waara oo kulan la qaatay ganacsatada Jubbaland

August 17, 2022

Taliyaha booliiska ee maamulka Puntland oo garoonka diyaaraha kula hadlay saxaafadda ayaa hadallo soo dhaweyn ah halkaasi ka jeediyay,  isagoo tilmaamay in taliyaha iyo wafdigiisa ay soo kormeeri doonaan saldhigyada booliiska si ay ugu kuurgalaan xaaladda ciidanka iyo habka ay u shaqeeyaanba.

Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay Garowe ay qeyb ka tahay safarro uu ku kala bixinayo dhamaan maamul goboleedyada dalka ka jira, si uu u ogaado xaaladda ciidamada booliiska iyo duruufaha ay ku shaqeeyaanba.

“Waxaa sharaf weyn ii ah in muddo ka badan dhowr iyo soddon sano aan anigu qof ahaan ku soo laabto magaalada Garowe,  anoo hore uga soo shaqeeyay degmada Eyl, si fiican ayaana naloogu soo dhaweeyay aniga iyo wafdigeeyga uu ka mid yahay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska” ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka tirsan ciidanka boliska, iyo kuwa AMISOM booliis,  waxana la filayaa iney kormeer ku tagaan saldhigyada ciidanka booliiska,  gaar ahaan dugsiga tababarka booliiska ee Carmo.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11)

Previous Post

Muungaab:- “Bixiya Canshuuraha Guryaha Si Loo dhiso  Jidka Wadnaha” -Sawirro

Next Post

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo booqday deegaanka Lambar 50 “Sawirro”

Next Post
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo booqday deegaanka Lambar 50 “Sawirro”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo booqday deegaanka Lambar 50 "Sawirro"

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

August 17, 2022
0

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta xarunta Wasaaradda waxa uu shir gaar ah kula yeeshay Madaxda...

Xafiiska Xalka Waara oo kulan la qaatay ganacsatada Jubbaland

Xafiiska Xalka Waara oo kulan la qaatay ganacsatada Jubbaland

August 17, 2022
0

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kullan wadatashi ah magaalada Kismaayo...

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

Soomaaliya oo guddoomindoonta Wakaaladda CDC ee Bariga Afrika

August 17, 2022
0

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiir-kuxigeenka Wasaaraadda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay Wakaaladda CDC...

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kormeeray shaqooyinka wasaaradda

August 17, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Qaranka, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiir ku xigeenka Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In