Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Dowladda Ruushka ay aqbashay in dib loo billaabo wada hadallo lagu xaqiijinayo in mucaaradka labada dal aysan isku dhacdhaxdooda uga dhalan xilliyada ay socdaan duqaynta dalka Suuriya.
War ka soo baxay Waaxda Difaaca Dowladda Maraykanka ee “pentagonka” ayaa lagu sheegay in Wada hadallada Labada Dhinac la filayo inay billaabato Usbuucaan.
War kaan ka soo baxay Dowladda Maraykanka ayaa imaanaya xilli dowladdaas ay shaacisay inay joojisay weerarka ay ku hayso kooxda la Magac baxday Khilaafada Islaamka ee Suuriya.
Arrintaan joojinta Duqaynta Maraykanka ee Suuruiya ayaa lagu sheegayaa inay tahay kaddib markii ay Dhaqaale ahaan iyo Istiraatiijiyad ahaan uu guuldaraysteen Dagaalkaas.
Ruushka iyo Mareykanka waxa ay wada yeesheen Shir qadka fiidiyowga ah oo ay ka qeybgleen kowdii bishan October,balse saraakiisha Dowladda Mareykanka waxa ay ka Cabanayaan inaysan waxba ka maqlin Xukuumadda Moscow xilligaasi.