Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Booliska” waxaan ka qayb galidoonaa Munaasabad Tababar loogu soo xirayo Saraakiil ka tirsan Puntiland

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 10, 2015
in Wararka
0
Taliyaha booliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qaabilay taliyaha booliska gobolka  Minisote
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howllaha shaqo ee uu ku joogo Magaalada Garoowe ay tahay in la horumariyo Tayada iyo shaqada ciidanka Booliska meelkasta oo ay joogaa, isagoo sheegay in uu kulamo wadatashi ah la Qaadan doono Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Maamulka Puntiland.

Jenaral Maxamed Sheekh Xasan Xamuud Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed  ayaa sheegay in ay qorshaynayaan ka Boolis ahaan in  si awood leh loo kordhiyo Tayada iyo hufnaanta shaqo ee Ciidanka Booliska oo uu timaamay in ay tahay Hay’adda kaliya ee ugu faca weyn.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

May 19, 2025

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in Magaalada garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntiland  uu kula kulmay ku-simaha Madaxweynaha Puntiland  ahna kuxigeenka  Madaxweynaha Ing Cabdixakiin Cabdullaahi  Cumar Cameey  isla Markaana Salan kaddib waxa uu sheegay in  ay kala warqaateen.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa Sheegay in saacadaha soosocda uu ka qayb galidoono  Munaasabad  Tababar loogu soo xiridoono  Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntiland.

Jenaral Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa shaaciyay in dhawaan dib u Dayactir lagu samayn doono xarumihii Taliska Booliska uu ku shaqay jiray  kuwaas oo ku yaalla Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in hadda dib u dayactir lagu Wado Xarunta  Dambi Baarista ee “C I D”.

Ugu Dambaytii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Socdaalka Uu ku joogo Deegaannada Puntiland marka uu dhamaado uu uga Tallaabi doono Deegaannada ay ka Arrimiyaan Maamullada Jubbalan,  Galmudug iyo Deegaanno kale.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyin kaan waday dadaallo waxbadan looga badalayo Hanaanka shaqo ee Ciidanka Booliska meelkasta oo ay Soomaaliya ka joogaa taas oo lagu Ammaani karo Taliyaha Ciidanka Booliska Jenaral Maxamed Sheekh Xasan Xamuud oo markii uu xilkaan la wareegay isku Howllay Tayada Ciidanka Bulshada ee Booliska.

Previous Post

Wasiir Nuux: Xanuun badan ayay nagu haysaa Shaqo la’aanta Dhallinyarada

Next Post

Maraykanka oo Sheegay in uu joojiyay Duqaynta Suuriya

Next Post
Maraykanka oo Sheegay in uu joojiyay Duqaynta Suuriya

Maraykanka oo Sheegay in uu joojiyay Duqaynta Suuriya

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay waajib diini ah...

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In