Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu safar ku tagay xarunta Q/midoobay ee New York, halkaasoo uu kaga soo qeybgalay shirkii 70-aad ee golaha loo dhanyahay, waxaana kulankan uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka Aadan Cabdulle International ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaare kuxigeen Mudane Maxamed Cumar Carteh, xildhibaano iyo saraakiil sar sare.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbada uu ka jeediyay fadhigii 70-aad ee golaha guud waxa uu ku sheegay in dalka Soomaaliya caalamku in muddo ah soo gacan siinayay isla markaana soo kaalmeynayay, balse haatan loo baahan yahay in laga gudbo kaalmada, loona gudbo maalgashi, iyo in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha si dalku u helo dakhli gudaha ah iyo wax soo saar.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa ku xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta ciidamada xooga dalka, si loo soo celiyo xasiloonida, loogana sifeeyo dalka haraadiga kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab.

Intii uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaaruhu xarunta Q/midoobay ayuu kulamo gooni gooni ah la qaatay xoghayaha guud ee Q/midoobay Ban-ki Moon, waxa ayna labada dhinac ka wada hadleen dhaqangelinta qodobada shirkii heerkiisu sareeyey ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaana nabadda iyo horumarka, iyo hirgelinta hiigsida 2016.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale, kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov, waxaana kulankan diirada lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, waxayna sidoo kale ka wada hadleen sida ugu haboon ee Ruushku ku taageeri karo hay’addaha dowladda.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa intii uu ku sugnaa xarunta Q/midoobay waxa uu saxiixay Axdiga illaalinta xaquuqda Caruurta.

unnamed (1) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo maanta furay wada hadal ku saabsan arrinta mowshinka

Next Post
Guddoomiye Jawaari oo maanta furay wada hadal ku saabsan arrinta mowshinka

Guddoomiye Jawaari oo maanta furay wada hadal ku saabsan arrinta mowshinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In