Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo maanta furay wada hadal ku saabsan arrinta mowshinka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Jawaari oo maanta furay wada hadal ku saabsan arrinta mowshinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Furitaanka Kulankan wadahadalka ah ee la doonayo in lagu xalliyo xiisadaha  siyaasadeed ee ka dhashay mowshin ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka  ka soo gudbiyeen Madaxweynaha 12-kii August 2015 waxaa goobjoog ka ahaa  Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid  Cali Sharma’arke iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa uga  mahad celiyey Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u aqbaleen ka qeybgalka  wadahadalka,  waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in wadahadalku furan yahay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid  Cali Sharma’arke oo isaguna furitaankii kulanka hadal kooban ka jeediyey  ayaa uga cudur daartay Xildhibaannada dib u dhaca kulankii kan ka horreeyey  waxaana uu xusay in uu diyaar u yahay in uu dhageysto aragtida  Xildhibaannada.

Xildhibaannada Baarlamaanka ee kasoo qeybgalay kulanka oo ka dhacay xarunta  guddoonka golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa iyagu muujiyey aragtiyo  kala gedisan, Xildhibaannada qaar waxa ay muujiyeen in wadahadalka lasoo  gebagebeeyo maaddaama uu guddoonka Baarlamaanka horey u sheegay in Mooshinka  la soo afjaray si loo sii amba qaado dhameystirka howlaha dowladda u yaalla.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay in ay ka soo qeyb galaan shirka dhinacyada ka maqan, waxaana uu intaa ku daray in guddoomiyaha iyo Ra’iisul wasaaraha isla meel dhigi doonaan talooyinkii ka soo baxay shirkii maanta.

Muddada kooban ee la heysto, qaar kale oo Xildhibaannada ahna waxa ay qabeen  inaan wadahadalka las oo afjarin oo uu sii socdo ayadoo Madaxweynaha uu  kasoo qeybgalayo balse mowshinka ay tahay in la soo gunaanudo ayadoo  aragtidaasina ay muujiyeen xubno ka mid ahaa saxiixayaashii mowshinka halka  aragtida seddexaadna ay tahay in mowshinkan uu guddoonku u maareeyo sifo  sharciga waafaqsan oo ah in ugu dambeyn cod lagu kala baxo.

 

Previous Post

R/wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Taliayaha ciidanka XDS oo garoonka Aadan Cadde ku sii sagootiyay Jen. Indhaqarshe

Next Post
Taliayaha ciidanka XDS oo garoonka Aadan Cadde ku sii sagootiyay Jen. Indhaqarshe

Taliayaha ciidanka XDS oo garoonka Aadan Cadde ku sii sagootiyay Jen. Indhaqarshe

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In