Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale oo ka socda Dawladda dhexe ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka mid ah maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiiru Dawladaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay ujeedka ay maanta u soo gaareen magaalada Baydhabo in ay tahay sidii ay wadatashi ugala sameyn lahaayeen maamulka Koonfur Galbeed dhismaha Ciidan qaran oo isku dhafan matalana dhammaan Soomaaliya oo dhan.
Wasiirka ayaa yiri “Ujeedkeena ugu weyn ee maanta halkan aanu u soo gaarnay waa dhismaha ciidan Qaran oo leh karti iyo hufnaan sidii loo heli lahaa, socdaalkan waxaa igu weheliya xubno ka tirsan Guddiga Isku dhafka Ciidanka iyo madax kale oo deegaankan ka soo jeeda. Waxaan wadatashi la yeelan doonaa dhinacyada ay arrintani quseyso oo ugu horeeyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed”.
General Maxamed Xaashi oo kamid ah Xubnaha Guddiga Isku dhafka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa tilmaamay iyadoo la raacayo hannaan ay dadku u dhan yihiin in la soo xuli doono Ciidan leh karti sare, wuxuna xusay dhawaan in ay ku guuleysteen deegaanada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo in laga dhiso ciidan qaran oo isku dhafan.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo horumuud u yahay Wasiirka Wasaaradda S/G C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa dadaal ugu jiri sidii dalku u yeelan lahaa Ciidamo xooggan oo leh awood ay ku hantaan guud ahaan ammaanka dalka. Si looga maarmo ciidamadda dalka jooga ee ka socda dalalka aynu saaxiibka nahay.