Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Isku dhafka Ciidamadda X.D.S oo booqasho ku tagey Baydhabo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 10, 2015
in Wararka
0
Guddiga Isku dhafka Ciidamadda X.D.S oo booqasho ku tagey Baydhabo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale oo ka socda Dawladda dhexe ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka mid ah maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiiru Dawladaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay ujeedka ay maanta u soo gaareen magaalada Baydhabo in ay tahay sidii ay wadatashi ugala sameyn lahaayeen  maamulka Koonfur Galbeed dhismaha Ciidan qaran oo isku dhafan matalana dhammaan Soomaaliya oo dhan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025

Wasiirka ayaa yiri “Ujeedkeena ugu weyn ee maanta halkan aanu u soo gaarnay waa dhismaha ciidan Qaran oo leh karti iyo hufnaan sidii loo heli lahaa, socdaalkan waxaa igu weheliya xubno ka tirsan Guddiga Isku dhafka Ciidanka iyo madax kale oo deegaankan ka soo jeeda. Waxaan wadatashi la yeelan doonaa dhinacyada ay arrintani quseyso oo ugu horeeyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed”.

General  Maxamed Xaashi oo kamid ah Xubnaha Guddiga Isku dhafka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa tilmaamay iyadoo la raacayo hannaan ay dadku u dhan yihiin in la soo xuli doono Ciidan leh karti sare, wuxuna xusay dhawaan in ay ku guuleysteen deegaanada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo in laga dhiso ciidan qaran oo isku dhafan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo horumuud u yahay Wasiirka Wasaaradda S/G C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa dadaal ugu jiri sidii dalku u yeelan lahaa Ciidamo xooggan oo leh awood ay ku hantaan guud ahaan ammaanka dalka. Si looga maarmo ciidamadda dalka jooga ee ka socda dalalka aynu saaxiibka nahay.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Taliayaha ciidanka XDS oo garoonka Aadan Cadde ku sii sagootiyay Jen. Indhaqarshe

Next Post

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Jawaabay “Diidmada Kenya” ee Dacwadda badda

Next Post
Xeer ilaaliya guud ee Qaranka oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro)

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Jawaabay "Diidmada Kenya" ee Dacwadda badda

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), nudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen...

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025
0

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

July 17, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In