Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Aragga Adduunka oo Muqdisho laga Xusay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay wasiirka Caafimaadka,wasiirka kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda,wasiirka haweenka iyo xuquuqda Aadanaha,wasiir ku Xigeenka Caafimaadka ,xildhibaano, Dhakhaatiir,qaar kamid ah Ururada u dooda dadka araga la’ iyo marti sharaf kale.

Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye oo kamid ah dhakhaatiirka indhaha ayaa goobta ka sheegay in  loo soo jeestay daryeelka indhaha maadaama hal ku dhigga sanadkan uu yahay in la ilaaliyo caafimaadka indhaha, isagoo halkaasina ka balan qaadan ka sameeyay.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026

Dr C/samad Maxamed Xasan oo ku hadlayay magaca isu tagga dhakhaatiirta Indhaha oo munaasabada soo qaban qaabiyay ayaa waxaa si faahfaahsan uga hadlay waxqabadka dhakhaatiirta indhaha guud ahaan Soomaaliya.

Mid kamid ah ka soo qeyb galayaasha munaasabada oo qudhiisa kamid ah dadka araga la’ ayaa si weyn u soo dhaweeyay ololaha looga soo horjeedo arag la’aanta dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale munaasabadda  waxaa ka hadlay guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr Cismaan Maxamuud Dufle iyo xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulo iyagoo codkooda ku biireyay dadaalada dhakhaatiirta ay ugu jiraan ka hortagga arag la’aanta.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqda Aadanaha marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed uga mahadcelisay howsha ay u hayaan dadka Soomaaliyeed iyadoo wasaaradda caafimaadka ka codsatay in ay nidaam qaranka loo sameeyo si Arrintaan xooggana loo saaro.

Ugu dambeyntii wasiirka Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa balan qaaday in wasaaraddu sameyn doonto guddiga qaran oo Arrintan wax ka qaban doono.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa la xusay dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee geeriyootay kuwaas oo indhaha daryeelkooda ka shaqeyn jiray, Sanadkasta waxaa Adduunka  laga xusaa maalinta araga aduunka.

Previous Post

Haween la baray Xirfad ay ku shaqeystaan oo Tababar loogu soo xiray Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Maamulkii Hawada Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay gacanta Dowladda

Next Post
Maamulkii Hawada Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay gacanta Dowladda

Maamulkii Hawada Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay gacanta Dowladda

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
0

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray shirka Machadka Heritage ee ka socday magaalada...

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

January 1, 2026
0

Statement on the 70th Independence Day of the Republic of Sudan H.E. Abdisalam Abdi Ali Minister of Foreign Affairs and...

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

January 1, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In