Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Aragga Adduunka oo Muqdisho laga Xusay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay wasiirka Caafimaadka,wasiirka kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda,wasiirka haweenka iyo xuquuqda Aadanaha,wasiir ku Xigeenka Caafimaadka ,xildhibaano, Dhakhaatiir,qaar kamid ah Ururada u dooda dadka araga la’ iyo marti sharaf kale.

Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye oo kamid ah dhakhaatiirka indhaha ayaa goobta ka sheegay in  loo soo jeestay daryeelka indhaha maadaama hal ku dhigga sanadkan uu yahay in la ilaaliyo caafimaadka indhaha, isagoo halkaasina ka balan qaadan ka sameeyay.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

September 5, 2026
Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

September 5, 2026

Dr C/samad Maxamed Xasan oo ku hadlayay magaca isu tagga dhakhaatiirta Indhaha oo munaasabada soo qaban qaabiyay ayaa waxaa si faahfaahsan uga hadlay waxqabadka dhakhaatiirta indhaha guud ahaan Soomaaliya.

Mid kamid ah ka soo qeyb galayaasha munaasabada oo qudhiisa kamid ah dadka araga la’ ayaa si weyn u soo dhaweeyay ololaha looga soo horjeedo arag la’aanta dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale munaasabadda  waxaa ka hadlay guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr Cismaan Maxamuud Dufle iyo xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulo iyagoo codkooda ku biireyay dadaalada dhakhaatiirta ay ugu jiraan ka hortagga arag la’aanta.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqda Aadanaha marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed uga mahadcelisay howsha ay u hayaan dadka Soomaaliyeed iyadoo wasaaradda caafimaadka ka codsatay in ay nidaam qaranka loo sameeyo si Arrintaan xooggana loo saaro.

Ugu dambeyntii wasiirka Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa balan qaaday in wasaaraddu sameyn doonto guddiga qaran oo Arrintan wax ka qaban doono.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa la xusay dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee geeriyootay kuwaas oo indhaha daryeelkooda ka shaqeyn jiray, Sanadkasta waxaa Adduunka  laga xusaa maalinta araga aduunka.

Previous Post

Haween la baray Xirfad ay ku shaqeystaan oo Tababar loogu soo xiray Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Maamulkii Hawada Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay gacanta Dowladda

Next Post
Maamulkii Hawada Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay gacanta Dowladda

Maamulkii Hawada Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay gacanta Dowladda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

September 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Soomaaliya oo noqotay dalkii 50-aad ee xubin ka noqda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gudbisay dukumentiga ansixinta Heshiiska Dhismaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda...

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa hoygiisa qado sharaf iyo soo...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In