Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha ciidanka booliikska Soomaaliyeed oo safar shaqo ku maraya deegaannada maamul goboleedka Puntland ayaa maanta booqaday dugsiga tababarka ciidamada booliiska ee Carmo, iyadoo halkaasi si diirran loogu soo dhaweeyay.
Taliyaha Booliiska ayaa halkaasi salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, isagoo ku soo wareegay qeybaha uu ka koobanyahay dugsigaasi, islamarkaana warbixin ku saabsan xaaladda dugsiga ka dhageystay saraakiisha maamusha dugsigaasi.
Jeneraal Xaamud ayaa halkaasi tababar ugu soo xiray ciidamo cusub oo ka mid noqonaya booliiska Soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmay iney dalkooda ugu shaqeeyaan si waddaniyad iyo hufnaan leh, dhowraana sharciga iyo qaanuunka ciidanka Booliiska.