Friday, September 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeerey qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho-Sawirro

caqiil by caqiil
October 14, 2015
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeerey qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmooyinka uu maanta kormeeray gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo gudoomiye ku xigeenka siyaasada ee maamulka gobalka ayaa waxa ay ugu kuur galaayen sida ay u socoto qaadista canshuuraha guriyaha oo uu dhowaan ku dhawaaqay duqa muqdisho.

Mas’uuliyiinta kormeerka sameyneysay  ayaa waxa ay la kulmeen gudoomiyaasha degmooyinka iyo taliska ciidanka ilaalada deeganka Xamar   iyagoo kala hadlay in la dardargaliyo Howlaha lagu qaadayo canshuurta dowlada hoose ee Xamar iyo in sidoo kale bulshada ku nool caasimada lagu wargaliyo in ay si deg deg ah ku bixiyaan canshuurta guriyaha ay ku nool yihiin.

Related posts

Wajiga 4aad ee  Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

Wajiga 4aad ee Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

September 4, 2025
HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

September 4, 2025

Kormeerka kadib waxaa warbaahinta lahadlay gudoomiye ku xigeenka siyaasada ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Maamul Dowladeed iyo shacabba looga baahan yahay in ay bixiyaan canshuuraha lagu leeyahay.

“Maanta kormeer ayaan sameyney sidaad aragteen dhowr degmo ayaan soo kormeernay waxaana ku faraxsanahay sida ay howlaha u socdaan sidoo kale maanta gudoomiyaha gobalka Banaadir waxuu bixiyay canshuurta gurigiisa qofkastana waxaa wajib ku ah in uu bixiyo canshuurta.” Ayuu yiri Diiriye.

Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Maxamed Axmed Diiriye ayaa sidoo kale sheegay  in Hey’adaha amniga ay talaaba sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonan cidii ka dhaga adeegta in ay bixiso canshuurta guriyaha.

“Talaaba ayaan ka qaadi doona qofkasto oo guri ku nool oo aan bixinin canshuurta guriga uu ku nool yahay sababta oo ah qofkaas waxaan u aqoonsan doonaan in uu diidan yahay Dowladnimada iyo in la horumari bilicda caasimada.” Ayuu intaa ku daray Diiriye.

Mid kamid ah dadka bixiyay Canshuurta guriyahaya kaas oo ku nool degmada Cabdacaziis ayaa warbaahinta u sheegay in uu ku qanacsan yahay in uu iska dhiibo canshuurta lagu leeyahay si loo horumariyo dalka.

IMG_0908 IMG_0915 IMG_0933 IMG_0946 IMG_0976

 

Previous Post

Gudi loo xil saaray ka talo bixinta siyaasadda dhalinyarada qaranka oo kulan yeeshay-Sawirro

Next Post

Tababar loo soo xirey Kalluumeysato-Sawirro

Next Post
Tababar loo soo xirey Kalluumeysato-Sawirro

Tababar loo soo xirey Kalluumeysato-Sawirro

Wajiga 4aad ee  Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

Wajiga 4aad ee Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

September 4, 2025
0

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) laga daah-furay Wajiga Afaraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada, kaas oo...

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

September 4, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

September 4, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal...

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib u Dhiska ayaa xarunteeda ku martigelisay kulan muhiim ah oo wada-tashi ah, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In