Saturday, October 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India .

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India .
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

New Delhi, October 16, 2015 – Illaa iyo 20 diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar diblomaasiyadeed oo socday muddo 30 cisho ah ( Hal bil ) loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada New Delhi ee caasimadda India .

Tababarkani oo lagu qabtay Machadka Diblomaasiyadda ( Foreign Service Institute ) ayaa diblomaasiyiintani  waxa ay ku barteen Maadooyin la xiriira arrimaha diblomaasiyadda , Siyaasadda , Amniga , Dhaqaalaha , Caafimaadka iyo Tiknoloojiyadda, iyadoo mudadii tababarkaasi socday ay socdaalo iyo booqashooyin ku kala bixiyeen Magaalooyinka Agra , Hyderabad iyo goobo kale .

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025

Munaasabad lagu soo xirayay Tababarkan oo ka dhacday Xarunta Machadka , ayaa Madaxa Kooxda diblomaasiyiinta Soomaalida ee tababarkan ka qeybgalay waxa uu kaga mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka India fursadan ay u siiyeen in dalkooda ay wax ku bartaan diblomaasiyiin Soomaaliyeed, isagoo ka rajeeyay Dowladda India inay sii kordhiso taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya .

Mr. Anil Wadhwa oo ah Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda India ee Arrimaha Bariga ayaa ka sheekeeyay Xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo India , isagoo xusay in India ay garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, diyaarna u tahay gudbinta waaya-aragnimada iyo aqoonta maamul .

Ms. Nengcha Lhouvum , Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ( FSI) ayaa sheegtay in kooraska la siiyay diblomaasiyiinta Soomaalida uu ahaa mid heerkiisu sareeyo , oo lagu barayay Xiriirka Caalamiga, Qaanuunka dowliga , horumarinta iyo dhammaan arrimaha casriga ah ee la xiriira diblomaasiyadda ,iyadoo ku ammaantay diblomaasiyiintan  sida wacan ay uga qeyb qaateen tababarkan .

Munasabadan oo si heer sare ah u dhacday , ayaa waxaa diblomaasiyiintaasi lagu gudoonsiiyay Shahaadooyinka tababarka .

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

R/wasaare Sharma’arke oo booqday mowlaca Sheekh Muxudiin Celi “Sawirro”

Next Post

Macallimad laga Soo Bad-baadiyay Maleeshiyaadka Shabaab

Next Post
Macallimad laga Soo Bad-baadiyay Maleeshiyaadka Shabaab

Macallimad laga Soo Bad-baadiyay Maleeshiyaadka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ISTANBUL):-Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan iyo Wasiirka Ganacsiga ee Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ROME):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Talyaaniga, ayaa magaalada Rome kula...

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

October 18, 2025
0

Hay'adda Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka Ee NIRA,ayaa shaacisay muddada kama dambeysta ah ee ay ku eg tahay, adeegga khidmad-dhaafka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In