Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa maanta xarigga ka jaray adeeg cusub oo lagu soo kordhiyay Telefishinka Qaranka, kaasoo ah in uu si toos ah u tebinayo barnaamijyada iyo wararka ka baxa SNTV.
Wasiirka oo uu wehliyo wasiir ku xigeenkiisa C/llaahi Colaad Roobe, agaasimaha Telefishinka Qaranka C/raxmaan Yuusuf Alcadaala iyo mas’uuliyiin kale ayaa si toos ah xarigga uga jaray adeega cusub oo ah toos u tabindoona wararka iyo barnaamijyada kabaxa SNTV.