Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta soo gabo gabeeyay shirka wada-tashiga Hay’adaha ammaanka iyo Ururrada Bulshada, kaasi oo socday muddo labo maalin ah.
Shirkaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda “Center for Community Awareness (CCA)”, isla markaana Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ay gacan ka geysatay taabagelinta kulanka ayaa ah kii ugu horreeyey oo noociisa ah oo ay Madaxda iyo hawlwadeennada Hay’addaha Qaranka iyo Ururradda Bulshada hal maxfal isugu yimaadaan, oo ay ka wada xaajoodaan sida loo wada shaqeyn lahaa iyo xoojinta Nabadda.
Ergooyinka ka qeyb galay shirka waxay kaloo si saraaxad leh u lafa-gureen caqabadaha hor taagan sugidda amniga ee magaalada Muqdisho iyo Goballada kale ee dalka, iyadoo ka-qeyb-galayaasha ay isku aragti ka noqdeen inay nabadgelyo-xumidd keento shaqo la’aanta, aqoon la’aanta iyo Caddaalad-xumo, iyo in loo baahan yahay in Dhallinyarada shaqo loo abuuro, lana xoojiyo wacyi-gelinta bulshada iyo Wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka Qaranka.
Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada (CCA) Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib” ayaa ballan-qaaday in bulshada Goballada dalka gaarsiin doonaan farriinta Qaran ee ay xambaarsan tahay qiimaha ay wada-shaqeynta Hay’adaha Ammaanka iyo bulshada u leedahay sugidda Nabadgelyada iyo Horumarka.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay geba gabada shirka, ayaa Madaxda Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada (CCA) uga mahadceliyey hawlaha lagu wayi gelinayo bulshada iyo xoojinta Nabadda.
Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka taaba-gelinayso talooyinka muhiimka ee lagu soo bandhigay shirkii wada-tashiga ee hay’addaha ammaanka iyo bulshada ku yeesheen magaalada Muqdisho.