Munaasabad ay ku qalin Jabinayeen ilaa 298 Arday oo ah kulyadaha kala duwan ee Jaamacada Salaam ayaa maanta xaflad loogu qabtay hotel city place Ee Magaalada Muqdisho.
Xafladda Qalin jabinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro, xildhibaanno ,Abwaano, Waalidiin, Madaxda Jaamacadaha dalka iyo dad badan oo bulshada magac ku dhex leh
Guddoomiyaha Jamacada Salaam Cabdulqaadir Axmed Mahad oo ugu horeyn furay munaasbadda Ayaa sharaxay tirade Ardayda maanta qalin jabisay iyo kuliyadaha ay ka qalin jabiyeen.
Abwaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel kabiirka kooxda Qeyladhaan oo makarafoonka lagu soo dhaweeyay ayaa madasha ka jeediyay gabay uu kaga hadlayay Faa’idada cilmiga.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare oo ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay munasabada Ayaa ka hadlay kaalinta Warasaarada waxbarashada Kaga adaan Ardayda Qalin Jabiinaya.
Xildhibaan Osmaan Mohamud Dufle ayaa ujeediyay dar daaran aradayda maanta qalin jabisay gaar ahaan bahda caafimaadaka.
Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka Mudane Cismaan Daalo oo hadal Dheer Ka jeediyay munaasabada Ayaa Sheegay in ay Garab istagayaan Dhalinta Waxbaratay gaar ahaan Dhanka Caafimadka aradayda ka soo Qalin jabisay.
Wasiir Ku xigeenka Wasarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdulaahi Colaad rooble oo dhankiisa Hadal ka jeediyay xaflada Ayaa ka hadlay doorka wasaarada ahaan Ay ka qaadanayaan Bahda Waxbaratay.
Intaasi kaddib ayaa Cod bahiyaha lagu Soo dhaweyay Wasiirka Dhalinyada iyo ciyaaraha Maxamed xasan Nuux isgoo ugu baqay Dhalinta kaqeyb qadashada Hormarka dalka.
Dafcadani Maanta Ka qalinjabisay jaamacada Salaam Ayaa noqoneysa dafcadii 2aad oo ka qalin jabisa jaamcada Salaam faraceeda Mogdisho.