Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii wada tashiga oo goor dhaweyd lagu soo gebagebeeyay Muqdisho “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Shirkii wada tashiga oo goor dhaweyd lagu soo gebagebeeyay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii Madasha Wada tashiga Qaran ee looga hadlayay hanaanka doorashooyinka sanadka 2016, ayaa goor daweyd lagu soo gebagebeeyay Muqdisho,

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Madaxda dowladda Federaalka, Madaxda Maamul goboleedyada, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Wasiirro, xildhibaann0, qeybaha bulshada iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa akhriyay war murtiyeed ka soo baxay shirka wada tashiga, kaasoo ka koobnaa illaa 10 qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin hanaanka loo marayo geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka.

Ergada Madasha wada tashiga qaran ayaa waxay isku raaceen hab raaca howl fulineed oo tilmaamaya hanaanka uu wada tashiga u dhacayo iyo soo jeedimaha kala duwan ee doorashooyinka ku dhici karaan sanadka 2016.

Ergada waxay isku raaceen maadaama duruufta haatan lagu jiro aysan saamaxeyn doorasho hal qof iyo hal cod, balse la qaban karo doorasho kale oo aan aheyn hal qof iyo hal cod.

Sidoo kale Ergada ayaa isku raacday in loo baahan yahay in wada tashi dheeri ah oo qeybaha kala duwan ee bulshada lala yeesho sida dhalinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanada, ganacsatada iyo dadka laga tirada badan yahay.

Kulamadaasi wada tashiga ayaa la isku raacay inay ka dhacaan deegaannada maamul goboleedyada, waxaana la soo jeediyay inay ka qeyb galaan qeybaha bulshada.

Wada tashiyada ayaa la tilmaamay iney qeyb ka noqdaan qurba-joogta Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo afkaarta bushada Soomaaliyeed.

Wajiga labaad ee kulankan ayaa la qaban doonaa todobaadka labaad ee bisha December, iyadoo lagu soo bandhigi doono talooyinka laga soo uruuriyay bulshada ku nool  gobolada dalka, si loo qaato qaabka ugu wanaagsan ee doorashooyinka sanadka 2016 u dhacayaan.

War-murtiyeedka shirka waan idiin soo gudbin doonnaa

IB0A4043 IB0A4131 IB0A4145 IB0A4147 IB0A4150 IB0A4154 IB0A4157 IB0A4161 IB0A4179 IB0A4188 IB0A4189 IB0A4190 IB0A4193 IB0A4199 IB0A4203 IB0A4204 IB0A4205 IB0A4215 IB0A4235 IB0A4249 IB0A4262 IB0A4279 IB0A4289 IB0A4294 IB0A4310 IB0A4321 IB0A4379 IB0A4382 IB0A4389 IB0A4391 IB0A4397 IB0A4399 IB0A4401 IB0A4408 IB0A4409 IB0A4411

Previous Post

Qaban Qaabada Caleema saarka Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed oo ka socota balliqardhaas “Sawirro”

Next Post

Agaasime “Bahlaawi” oo kulan la qaatay Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Sudan “Sawirro”

Next Post
Agaasime “Bahlaawi” oo kulan la qaatay Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Sudan “Sawirro”

Agaasime "Bahlaawi" oo kulan la qaatay Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Sudan "Sawirro"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In