Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradaha Warfaafinta Soomaaliya iyo Sudan oo Barnaamij fulineed ku wada saxiixday Khartoum ” SAWIRO ”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradaha Warfaafinta Soomaaliya iyo Sudan oo Barnaamij fulineed ku wada saxiixday Khartoum  ” SAWIRO ”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijkan fulinta ah ee ay wada saxiixdeen Wasaaradaha Warfaafinta Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxa uu daba socdaa hishiis iskaashi oo ay horay u wada gaareen labada wasaaradood kaas oo la saxiixay sanadka markuu ahaa 2007, isagoo hishiiskaas hirgalay sanadka markuu ahaa 2010 oo ahayd markii ay Baarlamaanka Dowladda Suudaan ansaxiyeen.

Barnaamij fulineedkan ayaa waxa uu si rasmi ah u bilaabanayaa bilowga sanadka soo socda ee 2016 kaas oo lagu balansan yahay in la hirgaliyo dhamaan qodabadii lagu hishiisayay sanadkii 2007.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta waxaa dhinacooda u saxiixay Agaasimaha Guud Mudane Cabdirisaaq Cali Yoosuf  Bahlaawi halka dhanka Dowladda Suudaana uu u saxiixay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdulmaajid Haaruun Cabdulmajiid.

Waxaana hishiiskaas goobjoog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan Dr. Axmed Bilaal Cusmaan iyo wafood iyo mas’uuliyiin labada dhinac ka kala socotay.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya  ayaa gudoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta Suudaan dhambaal uu ka siday Wasiirka Warfaafinta Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayar Maareeye.

Wasiir Axmed Bilaal ayaa ka mahadnaqay fariinta uu soo gaarsiiyay dhigiisa Soomaaliya isaga oo dhankiisa ka dalbaday Agaasimaha in salaan qaayo badan laga gaarsiiyo walaalkiis Maareeye.

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa u muuqata in markii ugu horaysay muddo ku dhaw 30 sano ay xariirkii dhaqan iyo midkii warfaafineed ay dib boorka uga jafayaan.

Booqashadii wafdigii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah usoo gabagabeeyay

DSC01160 DSC01176 DSC01171 DSC01170 DSC01168 DSC01162 DSC01166 DSC01164
DSC01163

DSC01180 DSC01203 DSC01201 DSC01200 DSC01199 DSC01198 DSC01197 DSC01196 DSC01195 DSC01194 DSC01193 DSC01192 DSC01191 DSC01190 DSC01189 DSC01188 DSC01187 DSC01185 DSC01184 DSC01183 DSC01182

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegtay In Ay Diyaarisay Dawooyin Lagu Caawinayo Dadka Deggan Webiga Jiinkiisa

Next Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Shirkii Wadatashiga ee Lagu Qabtay Muqdisho”Sawirro+Dhageyso”

Next Post
Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Shirkii Wadatashiga ee Lagu Qabtay Muqdisho”Sawirro+Dhageyso”

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Shirkii Wadatashiga ee Lagu Qabtay Muqdisho"Sawirro+Dhageyso"

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In