Friday, July 1, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradaha Warfaafinta Soomaaliya iyo Sudan oo Barnaamij fulineed ku wada saxiixday Khartoum ” SAWIRO ”

October 23, 2015
in Wararka
0
Wasaaradaha Warfaafinta Soomaaliya iyo Sudan oo Barnaamij fulineed ku wada saxiixday Khartoum  ” SAWIRO ”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijkan fulinta ah ee ay wada saxiixdeen Wasaaradaha Warfaafinta Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxa uu daba socdaa hishiis iskaashi oo ay horay u wada gaareen labada wasaaradood kaas oo la saxiixay sanadka markuu ahaa 2007, isagoo hishiiskaas hirgalay sanadka markuu ahaa 2010 oo ahayd markii ay Baarlamaanka Dowladda Suudaan ansaxiyeen.

Barnaamij fulineedkan ayaa waxa uu si rasmi ah u bilaabanayaa bilowga sanadka soo socda ee 2016 kaas oo lagu balansan yahay in la hirgaliyo dhamaan qodabadii lagu hishiisayay sanadkii 2007.

Related posts

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

July 1, 2022
Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

July 1, 2022

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta waxaa dhinacooda u saxiixay Agaasimaha Guud Mudane Cabdirisaaq Cali Yoosuf  Bahlaawi halka dhanka Dowladda Suudaana uu u saxiixay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdulmaajid Haaruun Cabdulmajiid.

Waxaana hishiiskaas goobjoog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan Dr. Axmed Bilaal Cusmaan iyo wafood iyo mas’uuliyiin labada dhinac ka kala socotay.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya  ayaa gudoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta Suudaan dhambaal uu ka siday Wasiirka Warfaafinta Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayar Maareeye.

Wasiir Axmed Bilaal ayaa ka mahadnaqay fariinta uu soo gaarsiiyay dhigiisa Soomaaliya isaga oo dhankiisa ka dalbaday Agaasimaha in salaan qaayo badan laga gaarsiiyo walaalkiis Maareeye.

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa u muuqata in markii ugu horaysay muddo ku dhaw 30 sano ay xariirkii dhaqan iyo midkii warfaafineed ay dib boorka uga jafayaan.

Booqashadii wafdigii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah usoo gabagabeeyay

DSC01160 DSC01176 DSC01171 DSC01170 DSC01168 DSC01162 DSC01166 DSC01164
DSC01163

DSC01180 DSC01203 DSC01201 DSC01200 DSC01199 DSC01198 DSC01197 DSC01196 DSC01195 DSC01194 DSC01193 DSC01192 DSC01191 DSC01190 DSC01189 DSC01188 DSC01187 DSC01185 DSC01184 DSC01183 DSC01182

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegtay In Ay Diyaarisay Dawooyin Lagu Caawinayo Dadka Deggan Webiga Jiinkiisa

Next Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Shirkii Wadatashiga ee Lagu Qabtay Muqdisho”Sawirro+Dhageyso”

Next Post
Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Shirkii Wadatashiga ee Lagu Qabtay Muqdisho”Sawirro+Dhageyso”

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Shirkii Wadatashiga ee Lagu Qabtay Muqdisho"Sawirro+Dhageyso"

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

July 1, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Caasimada Jowhar kadib safar uu dhawaanahaan ku...

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

July 1, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey...

Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

July 1, 2022
0

Ergeyga Joogtada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa ayaa la kulmay madaxa qunsulka...

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

July 1, 2022
0

Guud ahaan Soomaaliya ayaa looga dabaal dagay sanad guuradii ka soo wareegtay xilligii Gobollada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In