Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay sidii wadamada soo koraya ay u gaari lahayeen isbadal horumarinaeed oo dhan waliba ah, laguna qabtay caasimadda Kuala Lumpur ee Wadanka Malaysia
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo gaari lahaa isbadal horumarineed isla markaana 15 sano ee soo socota uu wadan walba ku tilaabsan lahaa isku filnaansho dhinac walba ah, waxaana shirkan Dowladda Soomaaliya u matalayay Wasiirka dekadaha iyo Gaadiidka badda mudane Nuur Faarax Xirsi, Wasiiru dowlaha Wasaradda arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali, Wasiir ku xigeennka Wasaaradda kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Mudane Saciid Jaamac Cali , Safiir Ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia Mudane Jabriil Sheekh Cismaan, xubin kasocotay Wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah iyo qaar kamida ardayda wax ka barata Malaysia
Shirkan waxa uu daba socday shirar hore oo ka dhacay Wadamo fara badan oo ay kamid yihin Ethiopia iyo Maraykanka, waxayna Soomaaliya shirkan u laheyd muhiimad gooni ah madaama Soomaaliya ay ka tirsan tahay wadamada dhaqaalahooda uu hooseeyo
Gooobta shir uu ka socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay farsamooyin sahli kara in wadan waliba uu gaaro horumar ku filan, waxaana sidoo kale lagu casuumay shirkan dad caan ka ah adduunka oo wadamadooda gaarsiiyay horumar la taaban karo.
Wariye Ahmed Abuukar Azhari.