Munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 126 arday oo bartay xirfado kale duwan oo ay ku shaqeystaan ayaa maanta lagu qabtay xarunta tababarka xirfadaha ee Mudug, iyadoo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirada Dowlad goboleedka Galmudug, waalidiin, aqoonyahano, iyo marti sharaf kale.
Munaasabada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Dr Cumar Maxamuud Rooble (Suuri) oo ku hadlayay magaca hey’adaha maalgalinayay tababarka ee Daryeel Iyo Sosda, wuxuuna faah faahin ka bixiyay aradydan iyo waxa ay barteen isagoona xusay in ay barteen xirfado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen korantada faryaamada iyo cilmiaga caafimaadka.
Xafladani oo intii ay socatay ay ka hadleen mas’uuliyiin aqoonyahano iyo waalidiin kuwaasi oo dhamaantood ku tilmaamay arintani horumar ayaa waxaa gunaanadkii ka hadlay wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka Dowlad Gobaleedka Galmudug Maxamed Xasan Cali iyo wasiirka wasaarada waxbarashada Galmudug Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye iyagoona sheegay in ay kaalin ka qaadan doonaan sidii ardaydani xirfadaha ay baarteen ay ugu shaqeeysan lahaayeen.
Sawir Qaade:-C/risaaq Maxamed Axmed Wariyaha Warbaahinta Qaranka Ee Gobalka Mudug