Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culimada oo bayaan ka soo saartay shaqsiyaad sheegtay inay Diinta ka baxeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 25, 2015
in Wararka
0
Hay’adda Culimada oo bayaan ka soo saartay shaqsiyaad sheegtay inay Diinta ka baxeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay soo qaban qaabiyeen hay’adda Culimada Soomaaliyeed, loogana hadlayay waxa ay shareecada Islaamka ka qabto shaqsiyaad Soomaaliyeed oo sheegtay ina y ka baxeen Diinta Islaamka, isla markaana lagu baahiyay barashada ay wadaagto ayaa waxaa ka qeybgalay culimaa’udiin, ugaasyo, aqoonyahanno, waxgarad iyo qeybaha bulshada, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Culimaa’udinkii iyo aqoonyahanadii ka qeybgalay kulanka ayaa waxa ay si wada jir u tilmaameen in Diinta Islaamka diin aan ahayn oo Alle agtiisa loogu dhawaanayo aysan jirin, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in dastuurka KMG ah ee dalka ay ku caddahay in Diinta Islaamka diin aan ahayn lagu faafin karin gudaha dalka, dowladdana looga fadhiyo inay ka hortagto shaqsiyaadka dhaawacaya jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Xukuumadda oo furtay Aqoon-is-weydaarsi Qaran oo ku saabsan hannaanka Xafiiska Qaran ee Isbeddelka Cimilada

Xukuumadda oo furtay Aqoon-is-weydaarsi Qaran oo ku saabsan hannaanka Xafiiska Qaran ee Isbeddelka Cimilada

August 27, 2025
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda

August 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo saxaafadda u akhriyay bayaanka ay hay’addu ka soo saartay dadka sheeganaya inay ka baxeen diinta Islaamka ayaa xusay in waxa baraha bulshada lagu baahiyay uu yahay mid abaabulan oo la gudoonayo in lagu khalkhalgeliyo Muslinimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, iyagoo baaq u diray qurbojoogta iyo dowladda Soomaaliya.

Todobaadyadii la soodhaafay ayaa waxaa baraha bulshada ay wadaagto lagu soo bandhigay muuqaalo ay iska soo duubeen dad Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasi oo sheegtay inay ka baxeen diinta Islaamka, taasi oo ay si weyn uga caroodeen dhamaan dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka X.D.S oo booqday Garoonka Bali-doogle

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka X.D.S oo booqday Garoonka Bali-doogle

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka X.D.S oo booqday Garoonka Bali-doogle

Xukuumadda oo furtay Aqoon-is-weydaarsi Qaran oo ku saabsan hannaanka Xafiiska Qaran ee Isbeddelka Cimilada

Xukuumadda oo furtay Aqoon-is-weydaarsi Qaran oo ku saabsan hannaanka Xafiiska Qaran ee Isbeddelka Cimilada

August 27, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo uu wehlinayo Wasiirka Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada Mudane Bashiir Maxamed...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda

August 27, 2025
0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay kulan looga hadlay u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda. Kulanku waxa uu isu...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

August 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong,...

Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

August 27, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta degmada Balcad ka daah-furay mashruuc raashin qeybin ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In