Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan si ay dadka gobolkaas ay uga wacyi galiyaan Saamaynta Fatahaadda wabiga Shabeelle ka dhalankarta.
Safarka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Waxaa ku wehliya Wasiirro, Xildhibaanno, Qubaro ku xeeldheer Arrimaha dabaylaha laga baqayo inay gobolkaas ku dhuftaan iyo Mas’uuliyiin kale,iyagoo kormeeri doona wafdiga Goobaha laga baqdin qabo inuu ka fataho wabiga shabeelle.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Maxamed Cumar Carte Khaalib iyo Wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baladweyn Ee xarunta Gobolka Hiiraan isagoo mid mid u gacan qaaday dadkii soo dhaweeyay.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in u jeedka Safarkaan uu yahay in dadka gobolka Hiiraan laga wacyi geliyo Saamaynta ka dhalan karta dabaylo laga baqayo inay ku dhuftaan qaybo ka mid ah gobolkaas.