Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo u ambabaxay dalalka Boqortooyada Sacuudiga iyo India

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan oo ku sii jeeda Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 26 October, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu wadahadal kula yeelan doono Boqor Salman bin Cabdulcaziz Al Sacuud.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale, ayaa inta uu joogo Sacuudiga, madaxda dalkaasi kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, iyo iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood dhex mara.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

Socdaalka dalka Sacuudiga kadib, Madaxweynaha waxaa uu tegi doonaa magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shir madaxeedka India iyo waddamada Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa looga arinsan doonaa kobcinta fursadaha maalgashi ee Afrika iyo India, iskaashi dhaqaale oo labada dhinac dhex mara iyo dhiirigelinta ganacsiga iyo shaqa abuurka.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaraha ee Muqdisho ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

— DHAMMAAD—

Previous Post

Daawo Sawirrada:- sida diirran ee R/wasaare ku xigeenka iyo wafdigiisa maanta loogu soo dhaweeyay Beledweyne

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In