Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Looga Hadlayay Baahinta Federaalka oo Nairobi Lagu Soo Gabagabeeyay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shir Looga Hadlayay Baahinta Federaalka oo Nairobi Lagu Soo Gabagabeeyay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo looga hadlayay baahinta Federaalka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay safaaradda ay dowada Swisserland ay ku leedahay dalkani Kenya,waxaana ka soo qeyb galay wasaaradaha ay ka midka yihiin wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka,qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah,Cadaaladda,Amniga gudaha Maaliyadda,Dastuurka,gudaha madaxa banaan ee xuduudaha iyo safiirada fadhigoodu yahay dalkani Kenya ee wadamadooda uu ka dhaqan galay federaalka.

Wafdiga ka socday wasaaradaha Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminayay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka C/rashiid Maxamed Xidig.

Related posts

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

February 8, 2026
Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS  oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

February 8, 2026

Shirkan oo maanta oo kaliya ahaa ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan.

Markii uu shirka soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada si wada jir ah ula hadlay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo wasiiru dowlada wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka C/rashiid Maxamed Xidig.

Danjire Jamaal ayaa sheegay in shirkani looga hadlayay baahinta arrimaha federaalka ay ka soo qeyb galeen safiirada wadamada qaatay federaalka ilaa hadana ku dhaqma.

Danjiraha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka faa’ideysaneyso khibradda ay wadamadani u leeyihiin federaalka iyo sida ay uga soo gudbeen caqabadihii la soo darsay markii ay qaadanayeen federaalka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in ujeedada shirkani uu ahaa sidii federaalka ay qaadatay soomaaliya loo gaarsiin lahaa gobolada,degmooyinka iyo tuulooyinka dalka.

Wasiiru dowlada ayaa sheegay in ay wax ka baranayaan wadamada mudada ku soo dhaqmayay federaalka.

“Federaal marka la yiraado waxaa u xil saaran wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka,lakiin wasaarad kasta meel ka soo galeysaa,tusaale ahaan wasaarada Maaliyadda oo kale waxa ay ka soo galeysaa sidii canshuuraha loo qaadi lahaa,wasaaradda Cadaaladda waxa ay ka soo galeysaa sida ay u shaqeyn lahaayeen maxkamadaha heerka dowlada dhexe iyo kuwa heerka dowlada goboleedba,sidaasi ayey dhammaan hay’adaha dowladu dowr ugu yeelanayaan arrimaha fedraalka”Ayuu yiri wasiiru dowlada arrimaha gudaha federaalka C/rashiid Maxamed Xidig.

Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa sheegay in muhiimada wasaaradda ay tahay in dadka Soomaaliyeed la baro waxa uu yahay federaal,isagoo intaasi ku daray in qaar ka mid ah dadka soomaaliyeed ay u haaystaan in dalka la keenayo dastuuro ay ku dhaqmaan wadamo kale,halka qaar kalana ay u haystaan in wadanaka lagu kala jarjarayo.

Wasiiru dowlaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in federaalka uu yahay hab ay dadka soomaaliyeed sameysanayaan ma ahan in aan qaadaneyno federaal wadan kale,laakin mid aan annagu sameysanay oo ku saleysan   dhaqankeena,diinteeda,dhaqaalaheena iyo juquraafi ahaan halka aan ku naalo ayaan qaadaneynaa.

IMG_0470 IMG_0473 IMG_0474 IMG_0475 IMG_0476 IMG_0477 IMG_0484 IMG_0485 IMG_0486 IMG_0487 IMG_0488 IMG_0489 IMG_0490 IMG_0491 IMG_0492 IMG_0493 IMG_0496 IMG_0498 IMG_0499

Sawir qaade: Xasan Cumar Baffo

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Wafdi ka socday Dowlada Soomaaliya oo kulama kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga “Sawirro”

Next Post
Wafdi ka socday Dowlada Soomaaliya oo kulama kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga “Sawirro”

Wafdi ka socday Dowlada Soomaaliya oo kulama kala duwan la yeeshay mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga "Sawirro"

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

February 8, 2026
0

Wasaaradda Qoyska oo Muqdisho ku qabatay Munaasabadda 6da February ee maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka gabdhaha, munaasabaddan ayaa waxaa...

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS  oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

Ku-simaha Guddoomiyaha BJFS oo soo saaray go’aano ka joojin fadhiyada wadajirka ah

February 8, 2026
0

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo saaray...

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

February 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu wada-hadallo miro-dhal ah...

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

February 8, 2026
0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo wafdi ballaaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In