Wafdi u hogaaminayay Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos uuna kamid ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Mudane Maxamed Keeroow Maxamed ayaa kulan muhiim ah la qaatay wasiir ku xigeenka dhaqaalaha ee dalka Turkiga Mudane Adanan Yildrim, iyagoo kulankooda uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga ee dalka Soomaaliya.
Wafdiga ka socday dowlada Soomaaliya ย ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah xildhibaan Maxamed Goodir iyo ganacsato Soomaaliyeed,kuwaas ka qeyb galaayey bandhig carweedka dalalka carbeed iyo Turkiga, waxaana wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga uu si weyn u soo dhaweeyey wafdiga heerka wasiir ee ka socda dalka Soomaaliya.
Wafdigan oo uu hogaaminayo wasiir dowlaha wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska iyo wasiir ku xigeenka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha mudane Maxamed Keeroow Maxamed ayaa sidoo kale waxa ay casuumaad ka haleen duqa magaalo madaxda sedexaad ee dalka turkiga ee Izmir mudane Azizย Kocaoglu, isagoo si qurux badan u soo dhaweeyey wafdigan ka socday dowlada Soomaaliya ย waxa uuna muujiyey in uu ku faraxsanyahay in wafdi heer wasiir ah ay soo booqdaan magaalada Izmir.
Madaxa Xafiiska arrimaha ganacsiga ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Yuusuf Jeego ayaa warbaahinta u sheegay in si weyn loogu farxay booqashada iyo ka qeyb galka bandhig carweedka Izmir, iyadoo si gaar ah loo maamuusayey wafddiga ka socday dowlada Soomaaliya,kuwaasoo sidoo kale ย booqday ย xarunta hay’adda qaban qaabiso bandhig carweedyada lagu qabto ย magaalada Izmir,waxana uu wafdgu warbixin ka dhageystay madaxda haโyadda Izfaash.
Bandhig carweedkan Midowga ganacsatada dalalka carbeed iyo Turkiga TURAB oo mudo laba cesho ah ka socday magaalada Izmir ayaa la soo gabagabeeyey,iyadoo intii uu socday lagu soo bandhigay qeybo ka mid ah wax soo saarka dalalka carbeed,kuwaas oo ay soo bandhigeen ย qaar ka mid ah shirkadaha ย Turkiga.
Sawirada iyo Warbixinta:-C/raxmaan Xudeyfi