Cabdirisaaq Faarax oo ah La taliyaha siyaasadda ee waaxha amniga gudaha Mareykanka (Homeland Security) ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho uga waramay arrimo ay ka mid yihiin argagixisada, xawaaladaha Soomaalida iyo kaalinta ay Soomaalida ku nool Mareykanka uga jiraan bulshada waddankaasi.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay wada-tashiyo ay hay’addu la yeelato bulshada si loo siiyo macluumaad u sahli kara inay ka qeyb qaataan ammaanka iyo waliba arrimaha kale ee ku xeyndaaban nolosha bulshada.
Cabdirisaaq Faarax oo qeybta bani’aadamnimada ee Waaxda Homeland kala taliya arrimaha siyaasadda wareysigiisa oo cod ah ka dhagayso qeybta hoose.