Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa maanta booqday wefti balaaran oo u horkacayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dalka Kenya Josaf Kaysari, waxaa qeyb ka ahaa weftigan xildhibaano ka tirsan kenya oo ka soo jeeda gobolka waqoyi beri, kuwaasi oo kala ah Adan Bare Ducale gudoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka kenya, Xildhibaan Maxamed Dahiye Ducalle, Xildhibaan Ilyas Bare Shill,Xildhibaan Cabdullahi Diriye Dhagalow, Gudoomiyaha gobolka Garisaa Nadif Jaama Aadan,Madaxa Amniga Gobolka waqoyi beri Maxamud Cali Saalax,Wakilka Hayada UNHCR ee dalka Kenya Rauuf Masuu, xildhibaano kale iyo mas’uuliyiin kalo ka socday dalka kenya,
Weftiga ayaa markay gaaren xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab waxay kulan gooni ah la qaateen horjoogayaasha xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, iyagoo kala hadlay sadex arimood kuwaasi oo kala ah arimaha amaanka xeryaha iyagoo weftigan ay ka codsadan horjoogayasha xeryaha ka shaqeynta arimaha amaanka iyo ka hortagga kooxda Shabaab falalka lidka ku ah amaanka ay ka geystaan xeryaha Dhadhaab iyo guud ahaan dalka Kenya soona sheegan kuna soo wargeliyaan lamaha amaanka, tan labaad oo ay kala hadlaan waa arimaha dib u noqoshada taasi oo ay u sheegan in aysan jirin cid si qasab ah loogu celinayo dalka Soomaaliya oo ay tahay rabitaanka qofka waxay waftiga ka codsadan horjoogayaasha in ay ku dhiiradan ka shaqeynta arimaha nabadda iyo horumarka dalkooda kana qayb qataan la socdaana xaaladaha dalkooda.
Dhanka kale horjoogayaasha ayaa qiray kuna farxay xaaladaha horumarka ee dalkooda ku jira iyagoo sheekay daqiiqad kasta in ay la socdaan xaaladaha dalkooda, iyagoo u riyaqay una mahadceliyay wax qabadka mudooyinka dambe ee safadaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo ka war qabka safarada ee dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha Dhadhaab iyadoo safarada dhowr jeer caawisay dad ku dhibateysnaa xeryaha waxay si gooni ah wax qabadkooda ugu bogaan safirka dowlada Soomaaliya ee dalka Kenya Jamal Maxamed Xasan iyo ku xigeenkiisa Cali Maxamed Sheekh(Cali bagaadi)
Tan sadexaad weftigan ayaa ku wargeliyay horjoogayaasha xeryaha in dhawaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab imaan doonan wefti balaaran oo u horkacayo R/wasaaraha dowlada federaalka ee Soomaaliya, iyadoo weftigan ukuurkali doonaan xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab.