Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday bilowday qorshe bulshada ay dhiigooda ugu deeqi karaan shacabka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 4, 2015
in Wararka
0
Jimciyadda ASAL oo siminaar lagu baranayo Wadaniyadda u qabatay Arday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu daah furayay olole ku saabsan deeq bixin xagga dhiiga ah oo ay soo qaban qaabiyeen arday wax ka barata Jaamacadda banaadir oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada caafimaadka Xukuumada Soomaaliya, maamulka gobolka banaadir, dhakhaatiir, arday dhakhaatiir ka socotay dowladda Turkiga iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa looga hadlay ahmiyadda ay xilligan u leedahay bulshada Soomaaliyeed in la helo deeq bixiyayaal dhiig, taasoo si lacag la’aan ah loogu deeqayo ama lagu badbaadinayo bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee u dhimanaya dhiig la’aanta

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Qaar ka mid ah dhaqaatiirtii ka hadashay goobta ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay ololahan lagu shaubayo deeq dhiig ah ee lagu keydinayo bankigii dhiiga si loo samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed.

Maamulaha qeybta sheybaarka ee Wasaarada caafimaadka Qaasim Cabdi Jimcaale oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku booriyay bulshadu in la garab istaago howlahan wax loogu qabanaya bulshada.

Xildhibaan Amiin Xasan Aalow oo ah xoghayaha guddiga cadaaladda iyo arrimaha diinta ee Baarlamaanka ayaa ardayda ku dhiiri geliyay inay labo jibaaraan dadaallada ay ugu gurmanayaan shacabka, isla markaana dhiiga loogu yabooho dadka xanuunsan ee ku jira isbitaallada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Maxamuud Dufle ayaa sheegay in tani ay tahay fikirka aad u wanaagsan oo ah in dadka dhiig loogu deeqo, isla markaana dhiigaasi laga qaado dadka awooda, waxaan idin sheegayaa in aan idin garab taaganahay.

 

 

Previous Post

Qorsheyaal looga hortago weerarada Al-Shabaab oo la diyaariyay

Next Post

Islaamka iyo Caddaaladda – DHAGAYSO

Next Post
Islaamka iyo Caddaaladda – DHAGAYSO

Islaamka iyo Caddaaladda - DHAGAYSO

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In