Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda SIMAD oo 16 sano jirsatay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda SIMAD oo 16 sano jirsatay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan lagu maamuusayay xuska 16 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay Jaamacaddda SIMAD oo ku began 6-da November ee sanadki 1999-kii maanta oo kale ayaa maanta lagu qabtay xarunta jaamacadda ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka qeyb galay munaasabadda maamulka, macalliminta, ardayda iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda maalinta Jaamacadda SIMAD.

Yuusuf Macalin Xasan oo bare ka ah Jaamacadda SIMAD ayaa ka sheekeeyay taariikhda Jaamacadda, isagoo xusay in Maalinta Jaamacadda SIMAD loola jeedo in bulshad la xusuusiyo waxyaabihii u qabsoomay Jaamacadda sanadkaasi iyo qorsheyaasha ay hiigsaneyso inay gaarto.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

“SIMAD waxaa la aas aasay 6 November 1999, kii waxaana lagu aas aasay guri, shaqaale shan gaaraya ayaa xilligaas ka howgeli jiray, maantana 221 shaqaale oo joogto ah ayaa ka howlgala, 50 si kumeel gaar ah, saddex meel ayay Jaamacaddu dhul ku leedahay, marxalado kala duwan ayayna soo martay, marka ujeedka maalinta Jaamacadda SIMAD, macnaheedu waxa uu yahay in sanadkasta xilligan oo kale la xuso, lagana hadlo wixii horumar ah oo ay Jaamacadda ku talaabsatay” ayuu yiri Ustaad Yuusuf Macalin.

Ustaad Cabdullaahi Aadan oo wakiil ka ah hay’adda Direct Aid oo ah hay’addii aasaastay Jaamacadda ayaa sheegay in hay’addu ay xarunteeda ku taalo dalka Kuwait, isla markaana ay u taagantahay horumarinta Qaaradda Afrika iyo in bulshada laga caafiyo xagga tacliinta sare.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi (Daahir Carab)  ayaa hoosta ka xariiqay in horaanta sanadka cusub ay duleedka Muqdisho ka hirgelin  doonaan isbitaal loogu adeego bulshada iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda iyo in gobollada dalka ay gaarsiin doonaan faracyo Jaamacadda SIMAD hoostaga, si adeegyada ay bulshada u hayaan lagu baahiyo gobollada dalka.

“Runtii Jaamacadda SIMAD sanadka cusub waxaa inoo qorsheysan in aan dad u dirno shahaadaha PHD, maadaama Jaamacadda ay iminka sare u qaaday barashada heerka labaad ee Jaamacadda, waxaan kaloo hirgelineynaa machad lagu barto luuqadaha, si ardayda Jaamacadda ka baxda ay u noqdaan kuwa dhan waliba ka dhisan” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir.

Sanadka kasta lixda November maanta oo kale waxaa la xusaa markii la aas aasay Jaamacadda SIMAD, iyadoo maamulka ay soo bandigaan waxyaabaha u qabsoomay sanadkaas iyo himilada ay hiigsanayaan sanadka xiga.

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15

Previous Post

Daawo Sawirada:- Wasiirka Warfaafinta oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqaasho uu ku tagay dalka Jabuuti

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In