Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Batroolka oo dalka dib ugu soo laabtay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 7, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Batroolka oo Koonfur Africa uga qeyb galaya shir looga hadlayo Shidaalka Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay shirar caalami ah oo looga hadlayay Batroolka iyo Tamarta oo uu uga soo qeyb galay dalalka Turkiga iyo Koonfur Afrika.

Wasiirka Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim markii uu soo gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabdullaahi Shaacir iyo Mas’uuliyiin kale ka tirsan Wasaaradda batroolka.

Related posts

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025

Wasiirka ayaa xusay in socdaalkii uu ku tegay dalalka Turkiga iyo Koonfur Afrika ay la xiriireen shirar heer caalami oo ku saabsanaa Arimaha Batroolka iyo Tamarta, isagoo xusay in shirka Koonfur Afrika uu qayb ka ahaa Usbuucii Shidaalka Africa, isla markaana uu warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo sida looga faa’iideysan karo kheyraadka ka horjeediyay madaxdii ka qeyb gashay shirkii lagu soo gabo gabeeyay dalka Koonfur Afrika.

Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo sidoo kale ka warbixiyay shirka Tamarta oo uu kaga qayb galay dalka Turkiga ayaa markale ku celiyay baahida loo qabo ka faa’iideeysiga Kheyraadka Ku jira gudaha Dalkeena Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Taliye ku-xigeenka booliska oo tababar u soo xiray saraakiil gabdho ah

Next Post

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo shaqaalaha kula dar daarmay inay shaqada labo jibaaraan “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha gobolka banaadir oo shaqaalaha kula dar daarmay inay shaqada labo jibaaraan “SAWIRRO”

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo shaqaalaha kula dar daarmay inay shaqada labo jibaaraan "SAWIRRO"

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ay goob...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

September 10, 2025
0

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In