Guddoomiyaha Gobalka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta la kulmay dhammaan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaasi oo warbixinno kaga dhageystay xaaladda ay ku shaqeeyaan.
Kulanka oo ka dhacay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku saabsanaa sidii uu xogwareysi ula yeelan lahaa shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar sida ay ku shaqeeyaan, waxaana ay balan qaadeen inay la shaqeynayaan xiili waliba.
Madaxa shaqaalaha gobalka Banaadir Maxamed Gacal Muudey ayaa xusay in shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar ay ku soo shaqeeyeen marxalado adag, haantanna ay diyaar u yihiin inay labo jibaaraan howlaha ay bulshada u hayaan.
Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa dhankiisa ku bogaadiyay howl wadeenada gobolka in ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibadka loo idmaday.
Guddoomiyaha Gobalka ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo kulanka kahadlay ayaa sheegay in uu xalin doono baahiya ay qabaan shaqaalaha balse dhankooda looga baahanyahay inay bulshadooda wax u qabtaan, isagoo xusay in meel wanaagsan ay mareyso horumarka caasimada marka loo fiiriyo sida ay aheyd sanada ka hor, isla markaana u baahan in si wadajir ah arrintaasi loo xoojiyo.