Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.wasaare Sharma’arke oo Dhagax Dhigay Dib u Dhiska Safaarada Soomaliya Ee Kenya”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R.wasaare Sharma’arke oo Dhagax Dhigay Dib u Dhiska Safaarada Soomaliya Ee Kenya”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta si wada jir ah u dhagax Dhigay dib u dhis lagu sameynayo safaaradii ay dowlada Soomaaliya ku Lahayd deegaanka Weslands ee magaalada Nairobi.

Dhax Dhigga safaarada ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Qunsulka Safaarada Cali Maxamed Shiikh Cali(Begadi) ganacsato iyo waxgarad.

Related posts

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025

Fatxudiin Cali Maxamed oo ah madaxa gudiga ganacsatada Soomaaliyeed ee dib u dhiska ku sameynayo safaarada ayaa sheegay in ay garteen in ay dib u dhisaan safaarada oo ah guriga shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalkani Kenya.

Fatxudiin ayaa sheegay in din u dhiska safaarada ay ku baxeyso lacag dhan hal Milyan oo doolar,waxana uu sheegay in dhismaha safaarada lagu soo gabagabeyn doono mudi afar bilood ah,shacabka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan.

Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahad celiyay safiirkii ka horeeyay Maxamed Cali Nuur Ameriko iyo shaqaalaha safaarada oo dadaal dheer dib ku guuleystay dib u soo celinta safaarada oo in mudo ah uu haystay nin u dhashay dalka Hindiya.

Danjire Jamaal ayaa sheegay in dhismaha safaarada ay u saareen gudi ganacsato ah oo bilaabaya dib u dhiskeeda,waxanauu  shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska safaarada.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa u mahad celiyay dadkii soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay dib u soo celinta safaarada,waxana shacabka soomaaliyeed uu ugu baaqay in gacan ka geystaan sidii safaaradan dib loogu dhisi lahaa.

Ganacsatadii Soomaaliyeed ee ka soo qeyb gashay dhagax dhigga safaarada ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dib u dhiska safaarada.

Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in gurigan ay leedahay ummada Soomaaliyeed,iyadana loogu adeegayo,waxana uu u mahad celiyay ganacsatadii uruurisay lacagta lagu bilaabayo dhismaha safaarada,isagoo ugu baaqay ganacsatada kale in ay ka qeyb qaatan.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in xukuumada uu madaxda ka yahay ay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska safaarada.

Danjirihii hore ee dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalkani Kenya Maxamed Cali Nuur Ameriko iyo shaqaalaha Safaarada ayaa dhamaadkii sanadkii 2010 ku guuleystay in gacanta dowlada Soomaaliya uu ku soo celiyo safaaradan oo in mudo ah uu haystay nin u dhashay dalka Hindiya.

IMG_5588IMG_5590IMG_5591IMG_5592IMG_5593IMG_5596IMG_5597IMG_5601IMG_5602IMG_5605IMG_5607IMG_5609IMG_5610IMG_5611IMG_5612IMG_5614IMG_5615IMG_5616IMG_5617IMG_5620IMG_5621IMG_5622IMG_5623IMG_5624IMG_5627IMG_5628IMG_5630IMG_5631IMG_5632IMG_5633IMG_5634IMG_5638IMG_5639IMG_5640IMG_5642IMG_5643IMG_5644IMG_5647IMG_5648IMG_5653IMG_5657IMG_5661IMG_5671IMG_5701IMG_5702IMG_5714

Previous Post

Xilibaan Maxamed Axmed Gurxan Oo U Geeriyooday Dawac Maanta Muqdisho Loogu Geystay

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

December 16, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In