Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ay ciidamada XDS ka sameeyeen Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afar ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidamada XDS ay gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay  ka sameeyeen deegaanka Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa bilowday kaddib markii dadka deegaankaasi ay ciidamada ku soo wargeliyeen maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku dhuumaaleeysanayay deegaanka Garasyaani, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidanka XDS ay halkaasi ku baxeen, waxaana xigay iska hor’imaad kooban oo dhex maray ciidamada XDS iyo maleeshiyaadka Shabaab.

Related posts

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Garasyaani ayaa Radio Muqdisho u sheegay iney arkeen meydadka maleeshiyaadka Shabaab oo ka koobnaa Afar, waxeyna intaasi ku dareen in ciidamada XDS ay halkaasi saaka ka wadaan howlgallo dheeraad ah, iyagoo ku sii raad jooga firxadka maleeshiyaadka Shabaab.

Maleeshiyaadkaasi ayaa la sheegay iney dhibaatooyin farabadan ku hayeen dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka Garasyaani, waxeyna dadka xoola dhaqatada ah si qasaba uga kaxeeysanayaan xoolahooda, iyagoo ku andacoonaya ineey qaadayaan waxa ay ugu yeeraan Sakawaad.

Previous Post

Baarlamanka oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka saxaafadda

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay ka qeybgalayaan arday...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
0

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In