Sunday, December 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ay ciidamada XDS ka sameeyeen Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afar ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidamada XDS ay gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay  ka sameeyeen deegaanka Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa bilowday kaddib markii dadka deegaankaasi ay ciidamada ku soo wargeliyeen maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku dhuumaaleeysanayay deegaanka Garasyaani, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidanka XDS ay halkaasi ku baxeen, waxaana xigay iska hor’imaad kooban oo dhex maray ciidamada XDS iyo maleeshiyaadka Shabaab.

Related posts

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

December 7, 2025
Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

December 7, 2025

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Garasyaani ayaa Radio Muqdisho u sheegay iney arkeen meydadka maleeshiyaadka Shabaab oo ka koobnaa Afar, waxeyna intaasi ku dareen in ciidamada XDS ay halkaasi saaka ka wadaan howlgallo dheeraad ah, iyagoo ku sii raad jooga firxadka maleeshiyaadka Shabaab.

Maleeshiyaadkaasi ayaa la sheegay iney dhibaatooyin farabadan ku hayeen dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka Garasyaani, waxeyna dadka xoola dhaqatada ah si qasaba uga kaxeeysanayaan xoolahooda, iyagoo ku andacoonaya ineey qaadayaan waxa ay ugu yeeraan Sakawaad.

 

Previous Post

Baarlamanka oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka saxaafadda

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Kulan La Yeeshay Hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Kulan La Yeeshay Hoggaanka Bulshada Rayidka

December 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah,...

Wasiirka dhallinyarada XFS oo la kulmay dhiggiisa Azerbaijan

Wasiirka dhallinyarada XFS oo la kulmay dhiggiisa Azerbaijan

December 6, 2025
0

Wafdiga ka socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa booqasho shaqo oo rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In