Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaalk ku maraya dalalka ay ciidamadu ka soo joogaan Soomaaliya ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madaxda dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa la kulmay dhigiisa Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, iskaashiga dhanka ammaanka ah iyo dar dargelin la dagaallanka argagixisada gobolka ku dhuumaaleysaneysa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib socdaal ku tegi doona magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya , halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.
Shirkaasi oo looga hadli doono iskaashiga labada dhinac, ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan 22-ka dal oo Jaamacadda Carabta ka tirsan, iyo 12 dal oo ka socda Koonfuurta America.
Bashiir Khaliif Gaani